BISHA RAMADAAN BARAKADEEDA
W.Q: Maxamed Xasan
Bisha Ramadan waxa la waajib yeelay markii ugu horreysay sannadkii labaad ee hijriga , kolkaas oo dadka la khiyaar geliyay in AY soomaan iyo in quudyaan qof muslim ah. Markaa kadib ayey soo degtay aayadda ah: "Ninkii arka bisha ha soomo" Albaqara (185) .
Xukumka markii hore waxa uu ahaa in qofkii seexda markii qorraxdu ay dhacdo in uusan waxba cunin ilaa maalinta ku xigta ay dhamaato, haba soo tooso iyadoo aan qorraxda soo bixin. Sharcigaas oo asaxaabta ku adkaaday ayaa waxaa soo degtay aayadda kale ee Albaqara (187) oo macneheedu yahay "Cuna, cabba ilaa uu fajarka ka caddaado" taasoo u saamaxday in habeenkii oo dhan wax kasta aad cuni karto, seexo ama ha seexan.
Soonka macnihiisu ma'aha in aad iska ilaaliso biyaha iyo cuntada oo kaliya, ee waa in aad ka dheeraataa wixii danbi kuu keenaya, sida muranka, cayda, kaftanka. Haddii uu qof ku caayo ugu jawaab "Anigu waa soomanahay soonkeyga ha iga jabin". Xadiis uu Abu-hureyra wariyey ayaa waxa uu ahaa "Ilaahay waxa uu leeyahay : camal kasta oo qofka aadamiga ah falo isaga ayaa iska leh, soonka ma'ogiye. Soonka aniga ayaa iska leh oo ka abaalmarinaya addoomaheyga", halkan waxa aan ka fahmeynaa in soonku ka duwan yahay cibaadooyinka kale oo ay darajadiisu aad u sarreyso.
Soonku yuu ku waajibayaa?
Soonku waxa uu waajib ku yahay (a) Qof caqli leh oo ruux aan waxba kala garaneynin soon laga ma rabo. (b) Qof qaan gaar ah, caruurta soonka waajib ku maha (c) Qof awood u leh, soonku waajib kuma aha qof aan soomi karin .
Shuruudda uu soonku sax ku noqonayo waa: (a) Islaamnimo, ruux aan diinta islaamka haysan soon lagama aqbalayo. (b) Qof caqli leh oo ruux aan waxba kala garaneynin soon kama ansaxayo (c) Qofka dumarka ah dhiiggu waa in uu ka dhamaado, iyadoo wali dhiig qabta ma soomi karto (d) Qofka waa in uu niyad la yimaadaa habeen kasta oo uu soomayo (e) In uu qofku waxba cunin ilaa ay qorraxdu ka dhacdo.
Qoddobbada soonka jebiya:
(a) Haddii uu qofka wax cuno ama cabbo, taasi waxaa soo geli kara in sanka biyo kaaga tagaan oo ay gaaraan caloosha, cirbadda biyaha nacfiga leh oo qofka lagu duro, dhiig lagu shubo qof jirran (b) Labo qof oo isu tagta (c) Minida (biyaha) oo qof uga yimaada khayaarkiisa, oo ay isagoo hurdayo haddii uu biyo ka yimaadaan soonka kama jabayo (d) Matagga kas la isaga keeno, oo matagga si caadi ah qofka uga yimaado soonka kama jabinayo (e) Qofka dumarka ah haddii uu dhiig ka yimaado soonka waa ka burayaa.
Soonka goormaa la soo mayaa?
Sida axaadiista ku cad waxa uu soonka dhalanayaa marka la arko bisha ramadaan ama la kaamil yeelo 30 casho bisha Shacbaan (waa bariis). Waddamadan aan ku nool nahay waxa ka dhacda in jaaliyadaha muslimiinta ah ay kala soomaan ama ay kala ciidaan, taasoo sumcad xumo u keeni karta diinta Islaamka, oo ka dhigeyso diin la is ku khilaafsan yahay. Dad shaqeeya marka ay doonayaa in fasax qaataan si ay u soo tukadaan maalinta ciidda, waxa imaaneysa in maalmo kala duwan ay fasax codsadaan, iyagoo sheeganaya in wada yihiin muslimiin. Sidaas darteed waxaa haboon in la ilaaliyo sharafta guud oo ay leedahay diinta Islaamka, jaaliyadda Soomaaliyeed qaar waxa ay la soomaan waddamada Islaamka, qaarna dadka kale ee ku dhaqan qaaradda Ameerika.
Culumada Soomaaliyeed waxaa u fiican in ay isu tagaan kana xaajoodaan arrinkan isaga ah, si ay wax ula qeybsadaan muslimiinta waddankan, oo aysan noqon dad diinta mar kasta khilaaf geliya, iyadoo lawada ogsoon yahay in aan khilaaf qabali ah ku jirno, haddana mid diini ah ayaa noo raacaya.
WANAAGGA SOON WADAJIR AH
Sh. Xasan Jaamici
In wadajir lagu soomo waa waajib sharci ah, maslaxad dacwo iyo madhabta ummaddeena. Waxaan la soconaa in waqooyiga Ameerika inta badan sanad weliba la kala soomo ugu yaraan laba maalmood oo kala duwan. Taasoo kala qeybisa jaaliyadda muslimka ah oo hal qaaradood ku nool. Sidaa darteeda, halkan waxaan ku xusayaa inaa si wadajir u soomno inay tahay waajib sharci ah, maslaxadda dacwada islaamka iyo madhabteena shaaficiyada oo waafaqsan.
Marka hore Soonku waa waajib laga rabo cid kasto oo muslim ah meel kastaba ha joogtee inay soonto sida ku xusan aayadda 183 ee suuradda Al-baqara. Jaaliyadda muslimka ah ee deggan Waqooyiga Ameerika waxaa waajib diini ku ah inay muujiyaan midnimo siiba marka la cibaadeysanayo sida ku xusan aayadda 103 ee suuradda Aala-cimraan. Aayadda 100aad ee isla suuradda oo horudhac u ah aayadda 103aad waxay ka digeysaa in la raaco misiixiyadda iyo yuhuudda oo astaan u ah kala qeybsanaan. Waxay aayaddaasi 100aad tilmaameysaa iimaanku micnihiisu inuu yahay midnimo, kala qeybsanaantana gaalnimo sida uu Sheekh Yusuf Al-qaradaawi uu ku fasiray. Sidaa darteed Jaaliyadaha muslimka iyagoo raacaya ayadahaasi waa in ay wada soomaan oo ayan kala qeybsamin. Sidaa darteeda wada soomidda waa waajib sharci ah iyo astaan midnimo oo ka tegiddeeda ay u sabab noqon karto fitno iyo kala qeyb sanaan oo astaan u ah gaalada.
Marka labaad, in wadajir lagu soomo dacwada Islaamka ayey maslaxad ugu jirtaa. Waayo dadka aan muslimiinta aheyn markay arkaan ummada wada soontay oo midnimo ka muuqata waxay u soo jiideysaa diinta Islaamka inay akhriyaan oo ugu dambeyntiina ay soo galaan. Waayo waxay arkayaan dad fara badan oo saacad keliya ka sooma raashinka iyo cabitaanka haddana mar keliya afura. Sidoo kale markay arkaan ummad fara badan oo mar keliya meel ku wada tukanaya oo wada ciideysanayo waxay ku reebeysaa raad ah inay dib u daraaseeyaan diinta Islaamka. Sidaa darteeda dacwada islaamka faafiddeed ayey maslaxad u tahay in la wada sooma. Haddiise jaaliyadda ay ka soonto waxaa dhacaya inay gaaladu la yaabto waxa kala qeybiyey jaaliyaddu mar hadduu islaamka uu hal yahay, bisha Ramadaan ay hal bil tahay, oo ay hal qaaradda wada deggan yihiin. Maxaa kala qeybiyey????? Sida darteeda, kala soomidda waxaa fitno weyn u soo jiideysa oy hor istaageysaa dadka dacwada islaamka qaadan lahaa. Diinta islaamka dagaalka ma ogola, laakinse waxaa dagaalka ka weyn fitnada dadka ka hor istaageysa in islaamka ay fahmaan. Sida ku xusan aayadda 217aad ee suuradda Al-baqara.
Mid sedexaad ee ugu dambeyso, jaaliyadda Soomaalida waxaa ku soo barbaartay mad-habta shaaficiyada oo ah mad-habta islaamiga ah ee ku saleysan axkaamta waddanka hooyo lagaga dhaqmo. Haddii aan madhabtaasi aan fiirino waxay qabtaa aragti la yiraahdo "Ikhtilaaful madhaalic" oo lool jeedo koox weliba ha ku soonto aragtida bisheeda. Tusaale ahaan, jaaliyadda muslimka ee deggan qaaraddan Waqooyiga Amerikada waxay wadaagaan hal qorax ka soo bax ama qorax u dhac. Waxaana jira farqi ugu yaraan 8 saacadood ah oo u dhaxeeya annaga iyo waddamada carabta. Marka dayax waa la kala hor arkayaa. Sidaa darteeda, waan kala soomi karnaa marka la fiiriyo xadiiska saxiixul muslim ku qoran ee uu wariyey kureyb. Xadiiskaasi wuxuu sugaya in reer shaam (Suuriya,Urdun, Lubnaan iyo Falastiin) iyo khaliijka Sacuudiga ay kala soomeen. Marka la weydiiyey sababta waxay sheegeen dhalashada bisha ay kala arkeen. Waxayna yiraahdeen Nabiga N.N.K ayaa amray in cid weliba aragtida bisheeda inay ku soonto. Sida darteeda madhabteena shaaficiyada waxay qabtaa in inta isku gobolka ama isku qaaradda ahba wada soonta. Marka Soomaalida khaas ahaan oo shaaficiyiin ah waxaa waajib nagu ah inaan ku soono aragtiga halkan, waqooyiga Amerika. Sidaa darteeda, ISNA oo ah Islamic Society of North America oo ah ururka ugu weyn ee qaaraddan wuxuu leeyahay guddi dayax goobidda oo ka kooban dhammaan masaajidaha waqooyiga Amerika oo shaqadoodu tahay inay sheegaan dhalashada bisha Ramadaan iyo tan Ciidda si mar loo wada soomo marna loo wada ciideysto qaaraddan waqooyiga Amerika. Taasi ayaa waxay keeneysaa in la helo midnimada guud ee ummadda muslimka ee halkan ku nool, lana fiiriyo maslaxadda iyo baahida dacwada Islaamka taasoo waafaqsan mabaadi'da diinteena iyo madhabteena shaaficiyada.